Garowe oo lagu soo dhaweeyay ciidamo cusub

Waxaa maanta magaaalda Garowe lagu soo dhaweeyay ciidanka cusub ee booliska Puntland, kuwaas oo la wareegaya ammaanka guud ee caasimadda.

Ciidanka oo ka soo kicitimay xerada Xorgob ee Garowe, waxaa duleedka magaalada Garowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur oo ka qaybgalay soo dhaweynta ayaa xusay in ciidamadan ay yihiin ilays cusub oo soo ifbaxay, isla markaana ay bulshada kala shaqeyn doonaan nabadda, wacyigelinta iyo dhisidda kalsoonida shacabka, isagoo ku booriyay ciidamada in ay noqdaan astaanta isku duubnida iyo adeegga shacabka.

Soo dhaweynta kaddid, ciidanka ayaa loo gudbiyay xerada 54-aad ee ciidamada Garowe, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabeen howlgaladooda nabadgelyo.

Madaxweyne Den ayaa ciidankan bishii Oktoobar tababar ugu soo xiray kulliyadda Carmo, waxayna u badan yihiin dhallinyaro waxbartay oo ay ku jiraan kuwo heer Jaamacadeed ah.

PUNTLAND POST