Abiy Axmed oo ka hadlay sida Itoobiya ku weyday badda cas

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in sida uu dalkiisu u lumiyay marin-badeedka badda cas ay qaladaad sharci ah ku jiraan.

Abiy Axmed oo shalay hadal uu jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa tilmaamay in go’aanka uu dalkiisu ku lumiyay badda cas aanu ahayn mid ay gaareen golihii wasiirrada ee waqtigaas, islamarkaana aanay jirin hay’ad sharci ah oo ansixiyay, baarlamaan meelmariyay iyo afti laga qaaday shacabka Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay badda cas ku weyday halgan qaatay 30 sano, in ay heshana aysan qaadan doonin 30 sano oo dambe, balse loo marayo wado sharci ah.

Dhanka kale Abiy ayaa farriin adag u diray dalka Eretriya, wuxuuna mar kale ku celiyay in aanay Itoobiya wax qorshe ah ka lahayn dagaal dhex mara iyaga iyo Eretriya.

Wuxuu ugu baaqay in aysan noqonin wax uu ku sheegay ‘xabbad-gudbiyayaal’ ee ay noqdaan dal, isagoo intaas ku daray in aysan Itoobiya dagaal waqti u hayn oo ay ka shaqaynayso mashaariic balaayiin doolar ah.

PUNTLAND POST