Garashada Sancaysan (AI) oo loo adeegsaday samaynta qaansheegtooyin been-abuura ah

New York (Wararka PP) — Shirkado badan ayaa lagu khiyaamayaa qaansheegtooyin been-abuur ah oo lagu sameeyay garashada sancaysan (AI). Shaqaale qaarkood ayaa adeegsada aaladaha garashada sancaysan (AI) si ay u sameeyaan warqado u eg kuwo dhab ah, si ay u helaan lacag dheeraad ah oo ku saabsan qarashyada shaqada.

Qaansheegto been-abuur ah

Shirkad la yiraahdo AppZen ayaa sheegtay in bishii Sebteembar in qiyaastii 14% warqado been-abuur ah lagu sameeyay habka Garashada Sancaysan. Shirkad kale oo la yiraahdo Ramp ayaa sheegtay in qaansheegtooyinka been-abuurka ah ay kor u kaceen 30% dalalka Boqortooyada Midowday iyo Maraykanka.

Dhibaatadan ayaa billaabatay markii aalado cusub oo Garashada Sancaysan ah, sida sawir-curiyaha DALL·E ee OpenAI iyo Google Imagen ay caan noqdeen. Ganacsiyadu waxay hadda raadinayaan habab wanaagsan oo lagu kala ogaanayo in qaansheegtooyinku yihiin kuwo dhab ah ama kuwo been- abuur ah.

© Puntland Post, 2025