Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in gobolka Sanaag uu u baahan yahay dowladdo ama shirkado waaweyn oo maalgashada macdanta qaaliga ah ee ku jirta, kuwaas oo uu xusay in ay diyaar yihiin.
Madaxweyne Cirro ayaa tilmaamay in qaabka hadda macdanta looga guro Sanaag ay tahay mid aan munaasab ahayn oo u baahan in la nidaamiyo.
Dhanka kale Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in Imaaraadku uu dhawaan Somaliland ka bilaabi doono dhoofinta hilibka ceeriin, suuqa ugu weyn ee dhoofintaasna loogu talagalay in uu noqdo magaalada Ceerigaabo.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu xalay la qaatay waxgaradka magaalada Ceerigaabo.
PUNTLAND POST