Cirro oo maanta soo xiraya shirka nabadda ee Ceerigaabo

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Ceerigaabo ayaa lagu wadaa in uu maanta soo xiro shirka nabadda beelaha gobalka Sanaag.

Shirka nabadda ayaa muddo dhowr todobaad ah ka socday magaalada Ceerigaabo, waxaana ka qaybgalay ergooyin matalayay qaar ka mid ah beelaha gobolka Sanaag.

Shirka waxaa shalay ku biiray suldaanka guud ee gobolka Sanaag, suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo wafdi uu hogaaminayay, kaas oo si weyn loogu dhaweeyay magaalada Ceerigaabo.

Shirka nabadda Ceerigaabo waxaan qayb ka ahayn beesha Dhulbahante oo ka mid ah beelaha dega magaaladaas iyo gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST