
Baarlamaanka Puntland ayaa wasaaradda maaliyadda kala hadlay cabashada xuquuq la’aanta shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirsaaq Axmed Siciid ayaa sheegay in uu guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga maaliyadda golaha iyo madaxda wasaaradda maaliyadda, kaas oo si gaar looga hadlay cabashooyinka xaquuqda la’aanta shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adda dowladda.
“Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen guddiga maaliyadda golaha iyo madaxda wasaaradda maaliyadda ayaa ujeedkiisu ahaa helidda xogta arrimaha dhaqaalaha dalka, dabagalka nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda, iyo kor-joogteynta dhaqan-gelinta miisaaniyadda 2025 ee goluhu ansixiyay. Waxaa si gaar ah kulanka ugu kor istaagnay xaquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan cabashooyinka jira” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiye Cabdirisaaq.
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay in ay wasaaradda maaliyadda u soo jeediyeen in ay ilaaliso xuquuqaadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dawladda.
Xukuumadda Siciid Deni ayaa lagu eedeyaa in aysan bixin mararka qaar xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda, taas oo sababta ciidamo waddooyinka xirta iyo cabasho.
PUNTLAND POST