Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Siciid Cabdullaahi (Signal).

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xilkaas u magacaabay Cabdinaasir Maxamuud Guray oo uu horay uga qaaday.

Dhanka kale Cabdalla Xasan Cali ayaa loo magacaabay agaasime ku-xigeenka guud ee xarunta qaran ee tubsan oo hoostagta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

PUNTLAND POST