Guddoomiyaha gobolka Raascasayr Cumar Cismaan Siciid ayaa go’aano ku meel gaar ah ka soo saaray xiisadda ka taagan xeebaha gobolkaas ee u dhexaysa wasaaradaha maaliyadda iyo kalluumaysiga ee Puntland.
Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Baargaal ayaa go’aamiyay in labada wasaaradood ay si ku meel gaar ah u joojiyaan lacago cusub oo ay ku soo kordhiyeen doonyaha kalluumeysiga, kuwaas oo sababay khilaafka.
Sidoo kale guddoomiyaha Raascasayr wuxuu go’aamiyay in wasaarad walba ay ku shaqayso nidaamkii hore, ayna qaado dakhligii iyo khidmadihii ay qaadi jirtay.
Wuxuu kaloo go’aamiyay in doonayaha kalluumaysiga ee ka shaqeeya gobolka Raascasayr hadda kaddib la siin doono dukumenti ka kooban wasaaradaha dakhliga.
Khilaafka wasaaradaha maaliyadda iyo kalluumaysiga ee Puntland ayaa taagnaa maalmihii la soo dhaafay, kaas oo keenay iska hor-imaadyo sababay dhimasho, dhaawac iyo khalkhal ka dhacay xeebaha gobolka Raascasayr.
PUNTLAND POST