Shacabka Laascaanood oo cabasho muujiyay

Shacabka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa cabasho ka muujiyay xirnaanshaha shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ee magaaladaas oo muddo labo todobaad ku dhow aan shaqayn, kaddib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo maamulka Waqooyi Bari.

Qaar ka mid ah shacabka Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arrintan ay saameysay, maadaama ay keliya isticmaalaan lacagta danabaysan (Sahal, Zaad, eDahab), iyagoo ugu baaqay madaxweyne Firdhiye inuu fasaxo shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhawaan lacag loogu yeeray “dowlad dhis” ku soo rogay shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka howlgala magaalada Laascaanood.

Balse shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ee kala ah Amal, Golis, Dahabshiil iyo Telesom oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa sheegay in aysan awoodin lacag ka baxsan cashuurta ku waajibtay.

PUNTLAND POST