Khilaaf ka taagan xeebaha Puntland

Wasaaradda kalluumeysiga Puntland ayaa sheegtay in shaqadeeda kheyraadka badda ay ku haysto wasaaradda maaliyadda oo dowladda u qaabilsan dakhli uruurinta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamed Siciid Balaak oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ku eedeeyay wasaaradda maaliyadda is-hortaag dhakhli iyo in ay waraaqo sharci darro ah u jartay doonyo kalluumeysi, isagoo tilmaamay in arrintani sababtay dakhli yari soo wajahday dowladda.

Khilaafka labada wasaaradood ayaa taagnaa maalmihii la soo dhaafay, kaas oo keenay iska hor-imaadyo sababay dhimasho, dhaawac iyo jaahwareer ka dhacay xeebaha gobolka Raascasayr ee bariga Puntland.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee agaasimaha

PUNTLAND POST