Taallo loo saameeyay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo Maraykanku dilay

Taallada laga dhisay goobtii Maraykanku ku dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi.

Badhan (Wararka PP) — Qoyskii uu ka geeriyooday Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa goob xusuus ah ka dhisay meeshii lagu dilay caaqilka oo u sii socday Badhan. “Waxaannu u dhisnay xusuustan in la illoobin dilkii xaqdarrada ahaa loo geystay Caaqil Cumar” ayuu yiri nin la dhashay caaqil Cumar oo Maraykanku ku dilay meel dhow Badhan 13 Sebteembar 2025.

Saldhigga AFRICOM ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo basaasiin u jooga Soomaaliya ay ka caawiyeen dilka Cumar oo Maraykanku uu si aan sal iyo baar lahayn ugu eedeeyey inuu hub sharcidarro ah u soo iibin jiray Al-Shabaab.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan la kulmay qoyska Caaqil Cumar. “Puntland waxay noo sheegtay in Cumar uusan gelin wax dambi ah, sidaas darteed jawaab ayaannu ka rabnaa ciddii dilka geysatay” ayuu yiri Xildhibaanku.

© Puntland Post, 2025