Ilhaan Cumar oo mar kale ka jawaabtay hadal uu Trump ku weeraray iyada iyo Soomaaliya

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota ayaa si kulul uga jawaabtay hadal u jeediyay madaxweye Donald Trump, kaas oo uu ku sheegay in xisbiga Dimuqraadiga uu yahay “hoggaan la’aan sida Soomaaliya”, isla markaana ay tahay in Ilhaan Cumar “dib loogu celiyo Soomaaliya.”

Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter) ku tiri “maalin cusub iyo been kale. Donald Trump wuxuu ceeb ku yahay dadka Maraykanka, waa cunsuri beenlow ah”.

Trump ayaa bishii hore ee September sidaan oo kale u weeraray Ilhaan Cumar iyo Soomaaliya, isagoo yiri “gabadh ka soo jeedda dal sabool ah oo colaado ragaadiyeen ayaa isku dayaysa in ay Maraykanka barto sida wax loo maamulo.”

Xildhiban Ilhaan Cumar ayaa hadalkaas uga jawaabtay “in ay ku faanto dhaqanka Soomaalida iyo in ay ku dhalatay Soomaaliya”, iyadoo sababta loo bartilmaameedsanayo ku tilmaantay nacayb loo qabo muslimiinta.

Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo xileedkiisii hore.

Ilhaan oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa qoyskeeda markii hore yimid Maraykanka, iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horeysay oo xildhibaan ka noqoto Koongareeska iyadoo xiran xijaab.

PUNTLAND POST