
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar dhawaan laga faafiyay oo lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Qoraal maanta ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay wadan kale, kaas oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda.
Barnaajimka Ekot ee ka baxa idaacada Sweden ayaa dhawaan lagu sheegay in lacago gargaar ah oo Soomaaliya loogu talagalay la leexiyay oo la gaarsiiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse, taas oo maalmihii la soo dhaafay hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada.

PUNTLAND POST