Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda Puntland ayaa si adag u cambaareeyay heshiiska is afgarad ee amniga dhexmaray Puntland iyo maamulka Somaliland.
Baarlamanka Puntland ayay ugu baaqeen in ay baariaan ku sameeyaan heshiiskan, maadaama uu jabiyey dastuurka Puntland sida lagu ku sheegay war-saxaafedeed ay si wadajir ah u soo saareen xisbiyada Mideeye, Sincad, Muqtaqabl iyo Ifiye.
Waxay ku sifeeyeen heshiiska is afgarad ee amniga mid u adeegaya danaha Somalilad, maqaamka Puntland na hoos u dhigaya.
Siyaasiyiinta mucaaradka, xisbiyada iyo bulshada Puntland qaybteed ayaa ka hor-yimid heshiiska is afgarad ee amniga, halka dhinaca Somaliland aysan cidi qaadicin.


PUNTLAND POST