DF oo bilowday qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo shalay natiijo la’aan kala soo laabtay wadahadalladii Kismaayo ayaa billaabay qorshe kale oo dhan ah Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaatay Ra’iisul Waase Xamse iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ee ka soo jeeda deegaannada Jubaland, waxaana kulamadaas looga arrinsaday samaynta ‘Jubaland cusub’ oo fadhigeedu yahay gobolka Gedo, iyadoo lagu isku afgartay in ay qorshahaas hoggaamiso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.

Dowladda Federaalka ayaa aqoonsanayn doorashadii Kismaayo ee dhammaadkii sanadkii hore markii saddexaad lagu doortay Axmed Madoobe, waana qodobkii la isku mariwaayay shirkii fashilmay ee Kismaayo ku yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa doonaysay in Axmed Madoobe ka laabto doorashadaas, isla markaana uu aqbalo doorashada qof iyo cod ee heer dowlad goboleed oo la qaban doono mustaqbalka dhow, sidoo kale uu dib ugu laabto Golaha Wadatashiga Qaran.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda doonaysa in ay socod siiyo qorshaheeda doorashada qof & cod ayna ka qabatao gobolka Banaadir, Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Waqooqi Bari iyo gobolka Gedo oo ay saameyn ku leedahay, balse waxa diidan tallaabadaas Puntland, Jubaland iyo Madasha Mucaaradka oo samaystay gole siyaasadeed oo loogu magac-daray ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.

PUNTLAND POST