
Weerarkii shalay galinkii dambe ay Al-shabaab ku qaaday xarunta Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho ayaa weli socda, iyadoo halkaas weli laga maqlayo qarxyo iyo rasaas.
Weerarkan ayaa markii hore ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo ekeysiiyay gaadiidka hay’adda NISA, sida ay xaqiijisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Gaariga waxaa la socday rag hubaysan oo tiradooda lagu sheegay 8 xubnood, kuwaas oo gudaha u galay xarunta Godka Jilicow oo ah goob muhiim ah oo lagu baaro dadka loo soo xiro dambiyada Al-shabaab.
Xubnihii Al-shabaab ee xarunta galay iyo ciidamada ammaanka ayaa weli halkaas ku dagaalamaya, waxaana la sheegay in 6 ka mid ah xubnahaas la dilay, halka ay intii kale ka dagaalamayaan qaybo ka mid ah Godka Jilicow.
Maxaabiis badan oo ku xirnaa xarunta ayaa baxsaday markii qaraxu dhacay, waxaana qaarkood markii dambe soo qabtay ciidamada ammaanka.
Waxaa jira askar ka tiran hay’adda NISA oo khasaare ka soo gaaray weerarkaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin karin.
Weerarka xarunta Godka Jilicow ayaa ku soo aaday, xilli amniga caasimadda Muqdisho uu wanaagsanaa muddooyinkii dambe.
PUNTLAND POST