
Wariye Yaasiin Faytin ayaa muddo 8 berri ah ku xiran saldhiga Galbeed ee caasimadda Garoowe, sida ay ogaatay Puntland Post.
Wariye Yaasiin Faytin ayaa markii la xirayay lagala baxay hotel uu ka daganaa magaalada Garoowe, iyadoo aan la wadan waaran maxkamadeed, lamana oga sababta ay Puntland u xirtay suxufigan, mar aan isku daynay in aan laamaha amniga Garowe wax ka weydiinana nooga suurtagelin.
Yaasiin Faytin ayaa ah wariye Soomaaliyeed oo muddo dheer ka shaqaynayay warbaahinta Soomaalida, hadana madax bannaan.
PUNTLAND POST