
Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha muranka dhulka Muqdisho iyo barakicinta, oo dadka dowladdiisa dhaliilsan ay ku eedeeyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhulka Xamar ay mas’uul ka tahay dowladda hoose, si la mid ah gobolada kale ee dalka, uuna leeyahay xeer gaar ah, wuxuuna iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintaas.
Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho aysan sii ahaan doonin oobasiibo, maxkamadaha iyo dowladda hoose na ay awaamiir ka soo saareen arrimaha dhulka.
Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ka socotay in dadkii ku noolaa xarumaha danta guud laga raro, taas oo saameyn ku yeelatay dad badan oo qaarkood muddo dheer daganaa, waxaana dhulkaas qaarkiis laga iibiyay ganacsato.
Arrinta dhulka Muqdisho ayaa noqotay arrinta ugu weyn ee lagu dhaliilo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan, taas oo noqotay kaar adag oo ay mucaaradku ku dagaalamayaan, iyagoo madaxweynaha ku eedeeya dhul boob iyo barakicin.
PUNTLAND POST