Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta oo ku heshiiyay in ay dhistaan Gole iyo qodobo kale

Puntland, Jubaland iyo xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta oo maanta shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan gole ay ugu magac-dareen ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.

Waxay kale oo ku heshiiyeen in ay shir isugu yimadaan gudaha dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka.

Sidoo kale waxay isku raaceen in dhismaha ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’ lagu dhameystiro shirka ay yeelan doonaan.

Waxay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida dalka, kana hortagaan cidkasta oo dhaawacaysa wadajirkooda.

Ugu dambayna waxay u macadceliyeen dowladda Kenya oo ay sheegeen in ay dadaal ugu jirto sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo hurumar.

PUNTLAND POST