Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabis cusub

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii khamiis laha ahaa ayaa ansixiyey xisaabiyaha guud ee dowladda oo loo magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaddib soo jeedin ka timid wasaarada maaliyadda.

Xisaabiyaha cusub ayaa hore u soo noqday wasiirka maaliyadda maamulka Hirshabeelle, wuxuuna ka soo jeedaa gobolka Hiiraan, isagoo bedelay Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo xilka laga qaaday.

Sidoo kale kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajakistan.

Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

PUNTLAND POST