
Waxgaradka gobolka Nugaal oo ay ugu horreeyaan isimadda dhaqanka ayaa shalay soo saaray xeer dhaqameed cusub oo ay hadda kadib ku dhaqmayaan beelaha, kaas oo wax looga qabanayo amniga caasimadda Garoowe iyo guud ahaan gobolka.
Xeerka ayaa lagu magacaabay ‘xeerka horumarka, amniga iyo arrimaha bulshada ee beelaha degan gobolka, wuxuuna ka kooban yahay 24 qodob oo intooda badan ka hadlaya dilalka, maandooriyaha, muranada dhulka, hubka sharci-darrada ah iyo khilaafaadka siyaasadeed.
Kulnakii lagu soo bandhigayay xeerkan waxaa ka soo qaybgalay ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugtoor iyo qaar ka mid ah goleyaasha dowladda.
Xeerka oo ay dowladda Puntland ku raacday beelaha dhigtay waxaa warbaahinta u akhriyay siyaasi Axmed Siciid Aw Nuur.
PUNTLAND POST