
Guutada labaad ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Kooraxanle ee nawaaxiga Guryo-samo oo ka tirsan degaanka Dhasaan ee degmada Qandala (Calmiskaad) ayaa halkaasi ku dilay miinaystayaal ka tirsanaa firxadkii Daacish.
Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidanku saaka dilay 5 argagixiye oo ka tirsanaa firxadka Daacish, halka midna nolosha lagu qabtay, kaddib hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyay degaanka Kooraxanle ee nawaaxiga Guryo-samo oo ka tirsan degaanka Dhasaan ee degmada Qandala (Calmiskaad).
Hawlgalka Calmiskaad ayaa warkan ku daray in kooxda saaka lagu dilay hawlgalka qorshaysan ay ahaayeen rag miinaystayaal ah oo dhawaan qarax u dhigay marxuum Gen. Qalyare, waxaana qoraalkoodu u dhignaa sidaan “Ciidanku waxay dileen 5 Argagixiso ah, midna nolol ayeey ku qabteen, waa firxadkii Miinada u dhigay AHUN Gen. Qalyare. Hawlgalka ayaa weli ka socda aaga Kooraxanle iyo Abal ee Buuralayda.”
PUNTLAND POST