Puntland oo maanta Tababar u furaysa Cutubyo loo carbinayo Hawlgalllada deg dega iyo La-dagaallanka Argagixisada

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ku sugan degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa lagu wadaa in uu maanta Tababar u furo ciidan gaaraya 500 oo ku biiri doona Birmadka Booliska.

Taliye Muumin ayaa Tababarkan ka furaya Kulliyada Carmo, halkaasi oo lagu xereeyay Cutubyo ku biiri doona Birmadka Booliska oo si khaasa loogu carbin doono Hawlgallada deg dega ah iyo La-dagaallanka kooxaha Argagixisada, si ay qeyb uga noqdaan Sugidda Ammaanka guud.

Gen. Muumin ayaa sidoo kale dhawaan kormeer ku sameeyay ciidamo Boolis ah oo horay loogu tababaray Kulliyada Booliska ee degmada Carmo kuwaasi oo dhammaystay Tababarkooda, islamarkaana ka hawlgeli doona dhammaan Gobollada Puntland, waxaana uu kula dardaarmay muhiimadda ay leedahay in bulshada si anshax iyo hufnaan leh loogu adeego, ayna muujiyaan xirfadda iyo aqoonta ay ku barteen tababarka.

PUNTLAND POST