
Xogo amni oo wakhtigan soo baxay ayaa muujinaya in tan iyo bilowga dagaalladii wejigii labaad ee Hawlgalka Calmiskaad ay is qarxiyeen horjoogayaal badan oo ka tirsanaa garabka Ajaanibta ah ee Daacish, si aan nolol loogu qaban.
Horjoogayaashii ajaanibta kooxdan oo u badnaa caddaan ayaa is qarxinta ka soo bilaabay dagaalladii ka dhacay togga Jeceel markii uu socday wejigii labaad ee Hawlgalka Calmiskaad, gaar ahaanna dagaalladii Haraaryo, taasi oo socotay ilaa Hawlgalladii Miraale iyo Baallade.
Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in is qarxinta dagaallamayaasha ajaanibtu ka soo bilaabatay Dharjaale, halka is qarxinta horjoogayaasha kooxdu ka soo bilaabatay togga Jeceel wixii ka danbeeyay markii la qabtay Turmasaale ilaa laga yimid togga Baallade oo dhaca duleedka magaalada Boosaaso.
Markii la qiimeeyo xogtan waxa la qiyaasi karaa in aysan hadda wax badan ka noolayn horjoogayaashii kooxda Daacish oo u badnaa ajaanib, gaar ahaan caddaan isaga yimid in ka badan 20 waddan oo dunida daafaheeda ku yaalla.
PUNTLAND POST