Calmiskaad: Puntland oo xaqiijisay in Maraykanku maanta laba duqeymood la beegsaday firxadkii kooxda ISIS

Dowladda Puntland oo bayaan kooban soo saartay ayaa xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka Maraykanku maanta laba duqeymood ka fuliyeen buuraha Calmiskaad gaar ahaan togga Baallade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan ISIS.

Warkan oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in labada duqeymood ay fuliyeen saaxiibada Maraykanka oo taageeraya ciidamada difaaca Puntland, kuwaasi oo beegsaday godad dhaca togga Baallade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii mileeshiyaadka ISIS.

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Ciidanka Hawlgalka kujira, ayaa Labo duqeyn hadda la beegsaday Godadka firxadka Argagixisada Daacish ku dhuumanayeen ee togga baalade” ayuu Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo qoraal kooban soo saaray.

Warkan ayaa imaanaya wakhti uu hakad galay Hawlgalkii ciribtirka ISIS, kaddib markii Roobab mahiiggaan ah ka da’een buuraha Calmiskaad, gaar ahaan togga Baallade oo ah dhul cimilo adag, waxaase la filayaa in Todobaadkan uu dib u bilowdo Hawlgalkaasi.

PUNTLAND POST