
Shir weyne ku saabsan xal u raadinta Maandooriyaha Khamriga iyo dilalka ku soo badanaya magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo xarunta Maamulka Gobolka Nugaal.
Shirkan looga arrinsanayo xal u raadinta Khamriga xargaha goostay iyo dilal ku soo badanaya Garoowe waxa ka qeyb geli doona mas’uuliyiinta Amniga, xubno kamid ah golayaasha dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, isimo, cuqaal, nabaddoon iyo waxgarad kala duwan.
Dhinaca kale, guddi gaar ah oo Baarlamaanka Puntland u xilsaaray Arrimaha Amniga Gobolka Nugaal gaar ahaan Garoowe ayaa shalay Shir la yeeshay Cuqaasha iyo Nabaddoonada Gobolka oo ay ka wada-hadleen xal u helidda maandooriyaha Khamriga iyo falalka amni-darro oo ka dhashay, kuwaasi oo sababay dilalka ku soo badanaya magaalada.
Cuqaasha iyo Nabadoonnada ayaa ka warbixiyey doorkooda ka shaqeynta horumarka iyo Nabagelyada, sidoo kale waxay warbixintooda diiradda ku saareen caqabadaha jira, waxyaabaha keenay Amnidarrada, iyagoo raaciyey talo-soojeedin la xiriirta Xoojinta Amniga caasimadda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dilalka ku soo badanaya degmada Garoowe.
Sidoo kale, guddiga gaar ah ee xildhibaannada Golaha Wakiillada waxay nabadoonnada kula dardaarmeen ka qayb-qaadashada doorkooda abaabulka wacyigelinta bulshada iyo la shaqeynta hay’adaha Amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.
PUNTLAND POST