
Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka bartamaha suuqa magaalada lagu dilay ganacsade caanka ahaa degaanka, kaddib markii aano qabiil loo beegsaday.
Ganacsade Siyaad Cali Xirsi oo caan ka ahaa Gaalkacyo sidoo kalena kamid ahaa haldoorka gobolka Mudug ayaa saaka lagu toogtay bartamaha magaalada, kaddib markii dabley hubaysan ku weerartay xaruntiisa ganacsi ee suuqa Gaalkacyo dhinaca Puntland.
Goob-joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in marxuum Siyaad Cali Xirsi lagu dilay bartamaha suuqa Gaalkacyo halkaasi oo uu xarun ganacsi ku lahaa kaddib markii dabley hubaysan tacshiirad huwisay marxuumka.
Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo aan xiriir la samaynay ayaa sheegaya in aysan weli ku guulaysan soo qabashada kooxdii dilka geystay oo goobta ka baxsaday kaddib dilkii marxuumka, balse waxay ciidamadu sameeyeen hawlgal ay ku baadi-goobayaan raggii dilka geystay.
PUNTLAND POST