Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo dhinaca Puntland oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda xilalka kula kala wareegayeen Duqii hore ee degmada Maxamed Cabdirisaaq Dacad iyo duqa cusub waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiraxmaan Khaliif Faarax.

Sidoo kale, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali, ku xigeenkiisa Maxamed Waloore, xubno ka tirsan golaha deegaanka, iyo saraakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay duqa cusub in uu bulshada ugu adeego si daacadnimo iyo hufnaan ah isla markaana mudnaanta siiyo arrimaha bulshada ee muhiimka ah gaar ahaan adeegyada dowliga ah ee ay magaalada u baahan tahay.

PUNTLAND POST