Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo shir siyaasadeed la yeeshay mas’uuliyiinta dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ku sugan magaalada Abu-dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan shir wadajir ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Inkastoo ay adag tahay in xog faahfaahsan laga helo Kulankii labada dhinac ee ka dhacay Abu-dhabi, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkaasi looga hadlay dadaallada xal u helidda khilaafka Deni iyo Axmed Madoobe kala dhexeeya Villa Somalia.

Ilo wareedo ku sugan Abu-dhabi ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan safar aan la shaacin ku tegi doono dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu ka soo laabto waddanka Qatar oo uu hadda joogo.

PUNTLAND POST