
Xildhibaan Xuseen Cabdi Maxamed (Dambalaas) ayaa maanta loo doortay duqa cusub ee degmada Gaalkacyo, kaddib markii uu wareegii labaad ee doorashada ku guulaystay 21 cod, halka Cabdiraxmaan Axmed Daahir oo ku soo xigay uu helay 11 cod oo keliya.
Doorashadan waxa ku tartamay saddex musharrax oo kala ah: Xuseen Cabdi Maxamed (Dambalaas), Cabdiraxmaan Axmed Daahir iyo Bashiir Cabdicasis Warsame oo isagu wareegii kowaad ku haray, kaddib markii uu helay 7 cod, balse saamayn ku lahaa natiijada doorashada uu ku soo baxay Xuseen Dambalaas.
Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada duqa cusub ee degmada Gaalkacyo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo shaaciyay in uu duqa cusub ku guulaystay, Xuseen Cabdi Maxamed (Dambalaas), waxaana intaasi kadib la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub.
Munaasabadan doorashada, waxaa goobjoog ka ahaa dhinaca Puntland oo hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Cabdiraxmaan Khaliif Faarah, oo ay weheliyeen mas’uuliyiinta wasaaraddiisa, guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa, waxaa kale oo goob-joog ahaa guddoomiyaha guddoomiyaha gobolka Mudug iyo duqa Degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.
PUNTLAND POST