Puntland oo bilowday baaritaan rasmi ah oo ku saabsan duqeyntii lagu dilay caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan rasmi ah oo ku saabsan duqeyntii lagu dilay marxuum caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi, taasi oo shalay ka dhacday degaanka Jiicanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland G/sare Aadan Axmed Cali ayaa sheegay in dowladdu bilowday baaritaan ku saabsan dilkii marxuum Cumar Cabdullaahi Cabdi, oo ay degaanka Jiicanyo ku duqaysay diyaarad dagaal oo aan weli la aqoonsan meesha laga lee yahay.

“Duqayntaasi oo lala beegsaday nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, waxay shalay gelinkii dambe dadka degaanka Jiicanyo ku soo wargeliyeen ciidanka booliska in duqayni ka socoto wadada isku xirta degmooyinka Ceel-buh iyo Badhan, waxaana goobta ugu tagnay gaarigii iyo meydkii oo isku gubtey.”

“Baaris hordhac ah waxaan ku ogaanay dadkii uu ka yimidna sheegeen in marxuumka oo kaligiisa uu watey gaari noociisu yahay Raaf, waxaa diyaaradi la beegsatay saddex gantaal. Baaris rasmi ahna waan bilownay oo ku saabsan dilkan” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland G/sare Aadan Axmed Cali.

PUNTLAND POST