
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in ay dib u dhigis ku samaysay doorashadii duqa degmada Gaalkacyo oo loo ballansanaa in ay qabsoonto Sabtida maanta ah.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku shaacisay in ay mudda 24 saacood ah dib u dhigis ku samaysay doorashadii duqa cusub ee degmada Gaalkacyo, kaddib markii ay qiimaysay xaaladda guud ee gobolka gaar ahaan degmada Gaalkacyo, si loo xalliyo tabashooyin jira.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland kadib, markii ay qiimaysay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, gaar ahaan Degmada Gaalkacyo waxay go’aamisay in dib loo dhigo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo muddo 24 saac, si loo xalliyo tabashooyin yar yar oo jira” ayaa lagu yiri go’aanka wasaaradda.
Tallaabadan ayaa imaanaysa, xilli dabley hubaysan maalintii saddexaad haystaan xaruntii degmada Gaalkacyo, kuwaasi oo uu abaabulay nin raadinayay xilkan duqa cusub ee Gaalkacyo, balse tartanka laga reebay, waxaana weli socda wada-hadal ku saabaan xallinta arrintaasi.
PUNTLAND POST