
Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa duqeyn galabta ka dhacday degaanka Jiicanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag, waxaana wararku sheegayaan in duqeynta ay ku dhinteen caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi iyo nin kale oo aan weli la aqoonsan.
Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo dhawaanahan ku wareegayay degmada Ceelbuh iyo nawaaxigeeda ayaa lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen caaqilka oo caan ka ahaa degaanka iyo nin kale oo aan weli la aqoonsan, islamarkaana dhawrkii cisho ee u danbaysay la joogay caaqilka, sidan ka xiganay dad ku sugan Ceelbuh.
Laamaha Ammaanka Puntland, gaar ahaan waaxda CID-da oo ka tegey Ceelbuh ayaa baaritaan ku bilaabay goobtii duqeynta lagu la beegsaday caaqilka iyo ninkii la socday, halkaasi oo uu yaallo baabuurkii oo guud ahaan burburay, balse weli ma jirto xog intaasi ka baxsan oo laga helay dhacdadaasi.
PUNTLAND POST