
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay soo qabteen eedaysane loo haysto dilkii marxuumad Kawsar Maxamed Axmed oo shalay subax ka dhacay magaalada Garoowe.
Warkan oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ku guulayseen soo qabashada eedaysane Cabdullaahi Muuse Fidaar oo loo haysto dilkii marxuumad Kawsar Axmed Maxamed oo ku dilay aagga xarunta NECSOM ee Garoowe.
“Waxaa ciidanka poolice Dawlada puntaland Gaar ahaan Qaybta police G/nugaal ku guulaysteen. In ay soo Qabtaan. Edaysane cabdulaahi muuse fidaar. kasoo magalada Garoowe Aaga Necsom ku dilay marxuumad kawsar maxamed Axmed” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland.
PUNTLAND POST