Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay duqeyn ku garaacday kooxda Daacish ee Soomaaliya

Dowladda Maraykanka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay buuraha Calmiskaad ka fulisay duqeyn diyaaradeed oo ay ku beegsatay mileeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Warkan oo ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayuu ku sheegay in ay mileeshiyaad ka tirsan Daacish ku beegsadeen duqeyn diyaaradeed oo ka shacday buuraha Golis gaar ahaan Calmiskaad.

Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa sidoo kale laga soo xigtay in duqeyntaasi ka dhacday godad dhaca togga Baallade oo ay ku go’doonsan yihiin kooxo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.

PUNTLAND POST