Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo saad iyo saanad ciidan u dejiyay ciidamada Puntland oo ku sugan Baallade

Raxan kamid ah diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa Saadka noocyadiisa kala duwan iyo saanad ciidan hawada uga dejiyay ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku sugan fiqda sare ee buuraha ku teedsan togga Baallade.

Saraakiisha Hawlgalka Calmiskaad oo warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Maraykanku gaarsiiyeen noocyada kala duwan ee saadka iyo saanada ciidan oo dhammaystiran kuwaasi oo dowladda Puntland ka daabushay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hawlgalkan Calmiskaad oo wejigiisi afraad uu geba-gabo marayo ayay ciidamada difaaca Puntland ku sifaynayaan firxad ka tirsan Daacish oo weli ku go’doonsan godad kooban dhaca bartamaha togga Baallade, halkaasi oo la rumaysan yahay in ku dhuumanayaan horjoogayaashii kooxda oo ay weheliyaan dumar iyo carruur.

PUNTLAND POST