Doorasho la sii ogyahay natiijadeeda oo maanta ka dhacaysa magaalada Garoowe

Doorashadii guddoonka ururka Al-Gabbal oo ay ku midaysan yihiin dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qabsoonto magaalada Garoowe.

Is-marin-waa ka taagnaa qabsoomidda doorashada ururkan ayaa Todobaadkan la xalliyay, kaddib markii duqa Caasimadda Garoowe, Geeddi Tuurre oo si KMG ah u hayay xilkan uu isku dayay in uu dib u dhig ku sameeyo doorashada, balse isku daygaasi laga diiday.

Doorashadan oo noqon lahayd tartan adag ayaa waxa samaynteedii hoos u dhigay, kaddib markii Madaxtooyada Puntland oo soo fara-gelisay, islamarkaana tartankii ka reebtay guddoomiyaasha saddex degmo oo raadinayay in ay qabtaan hoggaanka ururka al-Gabbal, kuwaasi oo lagu qanciyay in ay doorashada ka tanaasulaan.

Guddoomiyaasha degmooyinka Boosaaso, Qardho iyo Dhahar ayay Madaxtooyada Puntland si cad uga dalbatay in ay tartanka ka haraan, islamarkaana u tanaasulaan duqa caasimadda Garoowe oo hadda si KMG ah u haya xilkan, si mar kale maanta loogu doorto guddoomiyaha rasmiga ah ee ururka Al-Gabbal.

Tan ayaa ka dhigan in la sii saadaalin karo natiijada doorashada guddoonka ururka Al-Gabbal oo uu ku soo baxayo maayirka Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre, maadaama laga reebay tartamayaal culus oo doorashada ka dhigi lahaa mid adag.

PUNTLAND POST