
Qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Garoowe ayaa xaflad hordhac ah u qabatay munaasibadda Xarig-jarka Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka, kaasi oo dhawaan si rasmi ah loo daah-furayo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka kooban xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, duqa Degmada, shirkado ganacsi iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xafladda hordhaca u ah munaasibadda furitaanka Biyo-xireenka Abaay.
Xafladdan ay soo qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee ku taalla caasimadda Puntland oo uu hoggaaminayey kusimaha Qunsulka Safaaradda, Mudane Yidnekachew Tekle A, waxaa Intii ay socotay lagu soo bandhigay hiddo-dhaqameedka kala duwan ee dalka Itoobiya.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada kala duwan Sida; siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay kaalinta muuqata ee Itoobiya ka geysatay dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish.





PUNTLAND POST