
Waxaa maanta si rasmi ah loo xalliyay Khilaaf iyo is-marin-waa ka taagnaa qabsoomidda doorashada guddoonka ururka Al-gabbal oo ay ku midaysan yihiin dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland
Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre oo hadda si KMG ah u haya xilka guddoomiyaha ururka Al-gabbal ayaa isku dayay in dib u dhigis ku sameeyo doorashada guddoonka ururkaasi, balse degmooyinkii kale ayuu taageero uga waayay qorshihiisi dib u dhigista, taasi oo keentay is-marin-waa ka dhashay arrintaasi.
Intaasi kaddib, Madaxtooyada Puntland ayaa soo fara-gelisay is-marin-waagii taagnaa, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor uu maanta shir la yeeshay dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka ku midaysan ururka dowladaha hoose ee Al-gabbal, si uu u xalliyo murankii taagnaa.
Madaxweyne ku xigeen Lugatoor ayaa kaddib markii uu dhegeystay dooddii ka taagnayd qabsoomidda doorashada, waxaa uu go’aamiyay in doorashada guddoonka Ururka Al-gabbal si rasmi ah u qabsoonto maalinta Arbacada ah ee Todobaadkan oo ku beegan Saadanbe, sidan ka xiganay ilo wareedyo goob-joog ahaa.
PUNTLAND POST