Madaxweynaha Puntland oo safar siyaasadeed ugu baxaya dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhaw la’ ah dowladda Puntland.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu safar ugu baxayo waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu shirar siyaasadeed kula yeelan doono mas’uuliyiin sare oo kamid ah dowladda UAE, balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama helin Safarka Madaxweynaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Deni uu sii marayo dalka Itoobiya oo uu ku booqanayo askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad, si uu kormeer ugu sameeyo xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadaasi.

PUNTLAND POST