Ciidamada Puntland oo godadkii ay Daacish ka saareen ka helay keyd dhan oo rasaas ah

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo hawlgal ka sameeyay togga Baallade ayaa mar labaad gacanta ku dhigay keyd rasaas ah, oo ay ka firxadeen argagixisadii burburtay ee Daacish.

Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland qabteen keyd rasaas ah oo dhan 150 sanduuq, kuwaasi oo ay ka heleen godadkii ciidanku ka baacsaday firxadkii mileeshiyaadka Daacish.

“150 Sanduuq oo Rasaas ah ayeey qabteen Ciidanku galabta, waxay la wareegeen godad horleh iyagoo baacsanaya firxadka Argagixisada Daacish #Calmiskaad ” ayuu sheegay Hawlgalka Calmiskaad oo warkan xaqiijiyay.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale horay gacanta ugu dhigay god weyn, oo ay argagixisadu ku qariyeen keyd saanad iyo hubka noocyadiisa kala duwan ah, kaasi oo ciidamadu ku soo bandhigeen halkaasi.

PUNTLAND POST