Maayirkii degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland oo xilkii iska casilay

Maayirkii degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa si rasmi ah xilkii isaga casilay, kaddib markii uu warqaddiisa is casilaadds si hoose ugu gudbiyay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Maayir Daacad oo shalay shir deg deg ah la yeeshay xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa isku dayay in uu is casilo, balse waxa Shirkii hareeyay buuq iyo jaahwareer, kaddib markii xubno taageersan maayirku is hor taag ku sameeyeen go’aankiisi is casilaadda, taasi oo keentay in natiijo la’aan lagu kala tago Kulankii.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa caddaynaya in maayir Daacad uu si hoose warqaddiisa is casilaadda ugu gudbiyay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, islamarkana wasaaraddu ka aqbashay go’aankiisa istiqaalada, kaddib markii uu wajahay mooshin ay ka soo diyaariyeen xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo.

PUNTLAND POST