
Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa loo doortay, Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye, Halka Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaanka, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku xigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo Maanta loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shakhsiyaadkan ku guulaystay Xilka Madaxtinimada Maamulka Waqooyi Bari ee Firdhiye iyo Abwaan ayaa waxa riixaysay dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhaqaale badan ku bixisay in ay soo baxaan, waxaana Hawshaasi wakhti geliyay Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo ku sugan Laascaanood.
PUNTLAND POST