Doorashada Madaxtinimada Maamulka Waqooyi Bari oo lagu wado in ay qabsoonto maanta oo Sabti ah

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka la baxay Waqooyi Bari ee laga dhisay magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa in ay Maanta oo Sabti ah qabsoonto.

Doorashadan oo si weyn isha loogu hayo waxaa xilka Madaxweynaha Waqooyi Bari u tartamaya shan musharrax oo ay kamid yihiin; Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Rashiid Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.

Sidoo kale, waxaa doorashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Waqooyi Bari u tartamaya ilaa Shan Musharrax oo kala ah; Cumar Daahir Xasan, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Cabdisataar SH. Cismaan Cumar iyo Maxamed Cabdi Bullaale.

Inta badan musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa xalay si xooggan u sameeyay ololahooda doorashada, waxaana tartanka ugu cadcad shakhsiyaad ay kamid yihiin Cabdiqaadir Axmed Aw Cali iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka xilka Madaxweyne ku xigeenka uu ugu cadcadyahay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaan.

PUNTLAND POST