
Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa saaka laamiga dheer ka xirtay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiid badan oo rar ka soo qaaday dekedda magaalada Boosaaso.
Ciidankan oo wata gaadiid dagaal oo sheegay in ay ka yimaadeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbanayaan in ay sida ugu dhakhsaha badan u siiso xuquuqda ka maqan, si ay u banneeyaan jidka laamiga ah.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidankan gadoodsan ayaa caddeeyay in ay marar kala duwan xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso mushaaraadka ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin, sidaasi darteedna laamiga u xirteen oo aysan furi doonin ilaa laga siiyo xuquuqdooda.
PUNTLAND POST