Duqa Caasimadda Garoowe oo Nairobi Shir kula yeeshay Saaxiibada Mashaariicda Horumarineed ka caawiya Soomaaliya

Duqa caasimadda Garowe, Geeddi Axmed Tuurre oo safar shaqo ku jooga xarunta dalka Kenya ee Nairobi ayaa Shir la qaatay saaxiibada mashaariicda horumarinneed ka caawiya caasimadda Garoowe iyo guud ahaan Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin, Bangiga Adduunka, KfW, FCDO, iyo Midowga Yurub.

“Nairobi oo aan safar shaqo ku joogno, waxaan maanta  kulan la qaadannay saaxiibada mashaariicda horumarinneed ka caawiya caasimadda Garoowe iyo guud ahaan Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin, Bangiga Adduunka, KfW, FCDO, iyo Midowga Yurub” ayuu yiri maayir Geeddi

Duqa Caasimadda ayaa sheegay in Shirka ku usoo bandhigay guulihii laga gaaray mashaariicdii la fuliyey, isla markaana wuxuu la wadaagay mudnaanta cusub oo ay ka mid yihiin dardargelinta qorshaha biyo-saarka, qorshaha 20km oo wadooyin ah, iyo xoojinta adeeg bixinta bulshada.

“Waxaan soo bandhignay guulihii laga gaaray mashaariicdii la fuliyey, isla markaana waxaan la wadaagnay mudnaanta cusub oo ay ka mid yihiin dardargelinta qorshaha biyo-saarka, qorshaha 20km oo wadooyin ah, iyo xoojinta adeeg bixinta bulshada” ayuu sii raaciyay Geeddi Axmed Tuurre.

Duqa Caasimadda Garowe ayaa si weyn ugu mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay bixiyaan saaxiibada caalamka, waxuuna ballan qaaday fulinta mashaariicda muhiimka ah “Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee ay bixiyaan saaxiibadeena caalamka, waxaana ballan qaadaynaa fulinta mashaariicda muhiimka ah si hufan oo waafaqsan qorshaha inoo yaalla.”

PUNTLAND POST