
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garab ka baxay Madashii Mucaaridka Muqdisho oo Warmurtiyeed wadajir ah soo saaray ayaa maanta shaaciyay in ay heshiis ka gaareen Khilaafkii Siyaasadeed ee dalka iyo Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.
Warmurtiyeedkan waxa soo saaray Hoggaanka dowladda Soomaaliya iyo xubno ka baxay Madashii Mucaaridka, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenkii Madasha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed; Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke; Wasiir hore Daahir Maxamuud Geele, ahna Afhayeenkii Madasha Samatabixinta).
Sida Warmurtiyeedka ku cad waxay ku heshiiyeen in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka, islamarkaana sida ugu degdega badan loo dhameystiro cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Sidoo kale, waxay isku raaceen in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS, waxayna ku baaqeen in loo midoobo hirgelinta iyo qabashada doorashooyin dadweyne.
Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka


PUNTLAND POST