
Wasaaradda Waxabarashada Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka Fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland, kaasi oo ay sannadkan u fadhisteen 8,413 arday, kuwaasi oo ka kooban 4,786 wiilal ah iyo 3,627 gabdhood.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaaciyay natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee Form4 ayaa sheegay in guud ahaan 7,498 arday oo u dhiganta 89.12% ku baastay imtixaanka, kuwaasi oo ka kooban 4,266 wiilal ah oo u dhigma (50.70%) iyo 3,232 gabdhood oo u dhigan (38.42%).
Sida ku cad natiijada ka soo baxday wasaaradda Waxbarashada, waxa imtixaankan ku dhacay 816 arday oo dhiganta 9.69% oo isugu jira 463 wiilal ah (5. 5%) iyo 353 gabdhood oo u dhiganta (4.19%), waxaana imtixaanka ka maqnaa oo aan gelin 99 arday oo kala ah; 57 wiil iyo 42 gabdhood.
Kaalinta kowaad ee imtixaanka waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Warsame Cali Xasan oo dhiganayey dugsiga sare ee degmada Bareeda ee Gobolka Raas-caseyr, kaasi oo celcelis ahaan ku baasay %98.36, halka kaalinta labaad uu galay Dalxa Cabdi-saciid Maxamed Samakaab oo dhiganayay Imaam-Nawaawi Garoowe kuna gudbay 97.93%.
Hoos ka eeg natiijada 10 Arday ugu sarraysa

PUNTLAND POST