
Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa kooxaha Al-shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.
Labadan argagixiye ayaa lagu helay falal argagixiso oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, dhinaca Puntland) halkaas oo ay ku dileen qaar kamid ah haldoorkii bulshada, oo ay ku jireen nabadoono iyo odayaal dhaqameed caan ah, waxaana la xaqiijiyay in ay dilalkaasi qirteen.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labadan argagixiye, waxaana aroornimadii hore lagu toogtay fagaaraha Iskuul Bulusiya, halkaasi oo ay goob-joog ahaayeen mas’uuliyiinta ugu sarraysa Maxkamadda iyo Xeer ilaalinta Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay labada argagixiye, kaddib markii ay ku caddaatay dhammaan eedihii xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ku soo oogtay, islamarkaana ay qiraal ku noqdeen in ay ka tirsanaayeen argagixisada Al-shabaab oo ay u qaabilsanaayeen qaraxyada iyo dilalka madax-jebiska ah.
PUNTLAND POST