
Ciidamada Amniga gobolka Bari oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa xabsiga u taxaabay laba qof oo mid yahay imaam masjid, kuwaasi oo weli baaritaan ku socdo, sidaan ka xiganay saraakiil ciidan.
Waxay sheegeen in imaamku uu masjidka ku hayay nin orom ah oo si wanaagsan Af-carabi ugu hadlaya, kaasi oo laga shakiyay, sidaasi darteedna labada eedaysane tuhun u galay oo baaris lagu hayo, balse ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan tuhunka loo haysto labada nin.
Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa sidoo kale maanta hawlgal ka sameeyay duleedka magaalada, gaar ahaanna dhinaca Biyo-kulule iyo Girible, si looga hortago in ay Boosaaso ku soo dhuuntaan firxadka mileeshiyaadka Daacish ee nafta kala soo baxsanaya Hawlgalka Calmiskaad ee ka socda togga Baallade.
PUNTLAND POST